lørdag 22. november 2025

DOODA MUQDISHO: ARIN U BAAHAN KALA CADAYN

 Dooda Caasimada Muqdisho iyo yaa leh waa hadalo ma dhaleeys ah oo badanaa lala soo boodo kolka ay xaraarada doorashada kacdo.

Muqdisho waxaa leh ummadda Soomaaliyeed, waayo Caasimadu waa shumaca isirka Soomaaliyeed, fad ama ha fadine.

Balse, xasuuso goortii ugu dambeeysay ee doodahan lala YIMAADO saaxada dadweeynaha iyo MW Farmaajo jawaabtii uu ka bixiyey iyo halkii ay martay. 13 kii senator meeday?

Bulshada reer Banaadir iyo Soomaalida kale waa in aysan dhalanteed run moodin.

Meeqaamka Muqdisho waxa uu u garba duuban yahay sida Dowlad-dhiska Soomaaliyeed uu nidaamka Federaalka  ugu afduuban tahay!

Bulshada Soomaaliyeed ee himmiladoodu tahay Jamhuuriyad  Federaal ah waa in marka hore Isla meeldhigto nidaamka iyo qaabka Federaal ee dalku yeelanayo.

Waa halkaas mushkilada mudan in xal laga gaaro. Qaabab la raaco oo shaqeeyey ayaa Jira. 

Dunida waxaa ka Jira 25 ilaa 27 dal oo Federaal ah.

Doorka Caasimadaha dalalkaasi waxaa  (in ay yihiin xubin ka mid ah Dowlada federaal ama in ay yihiin Degmo ay maamusho Dowlada Dhexe), lagu xaliyey qaabka Federaal ee dalalkaasi qaateen. Yacni waa in heshiis bulsho laga gaaro.

Tusaale, Dalka USA waxaa Caasumad u ah Degmada Washington DC doorkeedana waa In ay tahay Degmo Dowlada Dhexe hoostimaada.

Halka Dalka Jarmalka oo caasimadiisu tahay Berlin ay Berlin tahay Dowald-Goboleed la mid tahay 15ka Gobol ee kale ee dalka.

Si kale haddaan u dhigo:Dalalka USA, India, Nigeria, Mexico, Australia

caasimadahooda Dowlada Dhexe ayaa si toos u maamusho.

Waxaa jira dalal kale oo si la mid ah Jarmalka Caasimada siiyey doorka Maamul-Hoboleed oo laga xusi Karo Beljiga iyo Austriya.

Dhanka kale, waxaa jira dalal  Federaal ah oo doorka Caasimadahooda ka dhigay Degmo ku dhextaal Dowlad-Goboleed, sida Iswiserland iyo Kanada.

Waxa mudan in la xaliyo waa xaqiiqda degaan ee bulshada Muqdisho. Marka waa in ceelkeeydu (siyaasiyiinta) ka heshiiyaan nooca Federaal ee dalku  qaadanayo iyo meeqaamka Caasimada Muqdisho yeelaneeyso.

Halse waa qasab in la fahmo:

 Dadka degaanka Muqdisho waa in aan dood ma dhaleeys ah lagu daalin. Waa in ay si la mid ah sida  degaanada kale ee dalka ay usoo doortaan golahooda degaanka iyo Duqa Magaalada Muqdisho si toos ah.

Su'aasha ah Xamar yaa leh, jawaabtu waa Soomaali baa leh.

Ingen kommentarer:

Legg inn en kommentar