Dhibaatada aan ka dhaxal nahay Qaran - jabkeenii Soomaaliyeed maaha wax qoraal lagu soo koobi karo. Quusta aan ka taagannahay aayaha ummad itaal leh waxaa laga dareemaa qaabka aan u dhaqano iyo hal-qabsiydeena.Ma nahin qoon gartooda qaata, qalad iyo saxba qumanaheenaa qoorta noo suran! Qiilkeenu waxuu noqday ” Qurbahaan waan ku baaba’nayee maxan yeelaa? Waa inaan wax ka tabcanaa inta yar ee joogno, iyo afka aan gegida dayuuradaha ila dhafeeyn maxaan ugu xiiqayaa barashadiisa? Wax-barasho dalkeenii beey tiillay, iwm. Weli si fiican iskuma aanan xisaabin, amase dib uma jaleecin tag-tada dhow iyo waxii la soomaray, welina raadkoodu qoyan ayahay.
Qul-qulatooyin aan dhammaad lahayn iyo faragelinta shisheeye u kala dheereeyn-teena ayaa tilmaan buuxda kaasiin karta heer ummaddeed ee aan gaarnay.Firxadka dhallintii Soomaaliyeed ay ugu jiraan u dhoofka dhulal shisheeye, hayaanka aan dhammaadka lahayn ee duur-joogtii ku dhiiratay, abaaraha dabadheeraaday waxay cashar u yihiin waxgarada Soomaaliyeed. Malaha Qaranniamda Soomaaliya annaga uun baa duulaan ku ahe, cidi heelo iyo dan kama laha markaan is-iraah, waxaan arkaa ififaalo kale oo taas lid ku ah!!
Intii gooro hore ka baxsatay hallaaga ka dhacaya dalkeena, badankood uma aayin. Dhaqan qalafsan iyo dhallaan aan aqoon dhaqankii Soomaaliyeed, waxay noqotay mirihii laga goostay hayaankii dhibka iyo dhulka dheer lala soo maray. Dhallaankii lagu dhalay Qurbaha walaac waayel mooyee ilbaxnimo loo aayo sooma kordhin.
Jeelalka, goobaha dhaqancelinta waxaa ceegaaga ubad aan aayo quman lahay iyo qoysas kala irdhoobay, iftiin ay ku hirtaanna gadaashooda ka muuqan. Waxay ka dalaceen habaar qabeyaal qori u dhiibi lahaa, waxayse ku hoobteen haadaan qote dheer oo u baahan feeg-jignaan fog iyo xeeladeysi xikmad ku dhisan. Dhallaankii Soomaaliyeed ee lagala soo cararay colaadaha iyo aafada dhulkoodii hooyo, inyar mooye, waxay magan u noqdeen ilbaxnimo arax-daran iyo waalid aqoon gaaban. Dhumiyeen toobiyihii aayaha wanaagsan, midab- quursi iyo takoor dhaqan mooye, ma jiraan miro la beertay oo la shinsado. Waa “ceel-na uma qodna cidina uma maqna-dii” la sheegi jiray!
Eeda yaa leh? ma dhallaanka mise waayeelka? ma bulshooyinkan martida aan la casumin loo yahay mise waqtiga?
Ma siyaasada qabiil ee is-diidan, mise Qiyaanooyinka qorsheysan ee hadba lagu tijaabiyo qayr-beeleyaal aan aqoon qiimaha Qaran? Mise Soomaalida ayaan sida ummaddaha kale u gudbin Qaabka nation state-ka ku dhisan oo Qabiil ayaan moodnaa inuu Qaran yahayba?
Bloggarkiv
mandag 13. april 2009
Abonner på:
Legg inn kommentarer (Atom)
Ingen kommentarer:
Legg inn en kommentar