tirsdag 8. desember 2015

Nidaamka afar iyo bar iyo 2016ka

Soomaalida iyada ayaa iska dumisay Qarankeedii, kadib kolkiii Jabhado qabyaalada ku dhisan ay xukunka ka tuureen Madaxweyene Maxammed S. Barre oo 21 sanno dalka ka talinayey. Jabhaduhu ma lahayn qorshe xukun oo dhamaystiran oo ay ku midaysan yihiin. Waxa kaliya oo ay isku raacsanaayeen waxaa la dhihi karaa waa xukun-maroorsi ku dhisan han-qabiil. Han-qabiileedkii waxuu daahfuray sida Soomaalidu ay u tahay bulsho wadaniyadu aad ugu yartay, ama danta qabiilka ka hormariya tan dalka. Ilaa 15 kulan oo xal loogu raadinayo mushkilada Soomaaliya ayaa la qabtay.

Maxsuulkii kasoo baxay waxuu noqday in Soomaaliyi ku qancaan nidaam Federaali ah iyo in awooda xukunka lagu qaybsado nidaamka afar iyo bar (4.5), afar qabiil oo waaweyn, sida Daarood, Dir, Digi iyo Mirifle , Hawiye iyo Qabiilada yaryar ee laga tirada badan yahay. Qaacidadan qaloocan waxaa isla gartay ayaa la dhihi karaa caaqiladii dagaalka ee waqtigaas awooda lahaa iyo qabiilada Soomaaliyeed oo qudhoodu caadifad qabiil ay ahayd halbeegga cadaaladooda. Indheergaradka iyo aqoonyahanka Soomaaliyeed dood-cilmiyeed ma gelin hannaanka afar iyo bar. Waxaase si nafsi ahaan laysku raacay in ay tahay arin looga gudbayo mushkilad waqtigaas taagnayd.
Ujeedadu waxay ahayd in loo gudbo nidaam muwaadinka Soomaali damaanad qaadaya oo loo siman yahay. Hayaankaas weli waa lagu jiraa oo reerku ma degin!

Aan taariikhda dib u jaleecno

Ka dib kolkii Qaranka Soomaaliyeed ka xoroobay saancadihii waxaa la dhidbay Jamhuuriyada Soomaaliya oo ay ku midoobeen koofurta iyo Waqooyiga Soomaaliya. Nidaamka Siyaasiga ah ee dalka waxaa lagu saleeyey nidaamka xisbiyada badan. Waxaana xukunkii dalka gacanta ku dhigay Xisbigii wadaniga ahaa ee S.Y.L. waloow ay dalka ka jireen xisbiyo kale, Soomaalidu waxay ku qanacday xisbigii Leego oo hormuudka ka ahaa kifaaxii xorriyada.

Midoowgii labadii Gobol ee xoroobay, samaystana dowlad loo dhan yahay, kama aanay shaqayn nidaam kala qeexaya qaabka xukunka dalka loo wadaagayo (waa koofur iyo Waqooyiye), waxaase gentleman-agreement iska ahaa in waqooyi iyo Koofur xukunka loo wadaago. Taasi ma dhicin. Madxweeynhii dalka waxuu gacanta u galay Hawiye, Wasiirkii koowaadna waxaa isna gacanta u galay Daarood, G. Barlamaanka waxaa gacanta laga saaray Dir(ISxaaq). Dhanka Awoodaha Dowliga ah, sida Taliyaha Xoogga Dalka waxaa la booday Hawiye, kan Boliiska waxaa la booday Daarood, Taliya ciidanka Asluubtana waxaa la booday Dir (Isxaaq), Digil iyo Miriflena waxba lagama siisn saamigii ay dalka ku lahaayeen.

Su’aashu waxay tahay ma si kama ah ayey taasi ku dhacday, mise waxaa jiray awood-qaybsi sanka layska geliyey?
U fiirso; Madxweeyne waa Hawiye, Ra’iisul wasaare waa Darood, gudoomiyihii Barlamaanka waa Isaaq (Dir). Soomaalidii kale cidina uma hambayn. Weliba qabiilkii afaraad, Digil iyo Mirifle, marna lama xasuusan! Waxaa kaliya awoodqaybsiga laga siiyey Wasaarada Maaliyada. Halka Wasaaradaha A.Dibada, A.Gudaha iyo Gaashaandhiga kala qaateen Hawiye, Daarood iyo Dir (Isaaq). Sow lama dhihi karo 4.5ka waxa ka horeeyey in afar qabiil wax lagu wadaagi jiray? Taasuse ma ahayd cadaalad loo aayey?

Waqtigan iyo awoodqaybsiga.

Hadda oo lagu jiro wax la dhihi karo tiih-Qaran, awooda waxaa lagu wadaagay afar iyo bar. Waxaa kaliya oo isbedelay wax in lagu sheegay in laga tirobadan yahay, la yiri bar ha la siiyo! Weli cadaaladii waa ay buktaa, lamana haayo ruux u danqaday oo dabiib la raadaiya! Nidaamkii kumeelgaarka looga baxayey waxa garwadeen ka ahaa beesha caalamka. Siyaasiyiinta Soomaaliduna dul-joog ayey ka ahaayeen waxaana lagu gaaray nidaamka hadda jira ee Madaxweeyne Xasan sheekh ku yimid.
Madaxweeynihii la doortay waxuu isku dayey inuu awood-qaybsiga golaha fulinta ku saleeyo shan-beelood. Waxii ka dhacay waa la ogaa. Siyaasiyiintii doorashdii Madxweeynenimada looga adkaaday waxay bilaabeen in ku ay doodaan in DASTUURKII la reedmarqay.
Taasi waxay ka marqaati ka tahay in siyaasiga Soomaaliga ahi aanuu daacad ka ahayn in laga gudbo qabiil wax ku qaybsiga, loona gudbo habka hal qof hal cod!

Doorashada 2016ka ma lagu salayn-doonaa 4.5, xalse ma tahay?


Jawaabta oo kooban waa haa! Waxa la badinayaa tirada ergada qabaa’ilada Soomaalida ka imaanayo, iyada oo loo gelinayo shaar federaal (Maamul-Goboleed). Nuxurkuse waxba kama duwaanan-doono afar iyo bar. Ergadaas oo lagu soo xuli doono qabiil basle la yiri waxay metelaan Dowlad Goboleedyo, ayaa inoo xuli doona/dooran doona Xildhibaanada Hay’ada sharci-dejinta. Waa ku qabatay iyo Qadar Alle!
Waxaa la rajaynayaa in haddii ergado badato musuqo yaraan-doono. Waayo, 1000 qofood lama wada laaluushi karo. Su’aaasha malyuunka jooga ayaa ah maxaa bedel ah oo afar iyo bar looga gudbi karaa? Sida aan korkusoo xusay, Soomaaliyi waligeed ma helin Dowlad aan Qabiil ku dhisnayn. Tii rayidka ee la yiri waxay ahayd Demoqoraadi qabiil baa Qarankii loo kala boobay. Tii Ciidamadu hogaaminayeen, iyana qabiil baa wax lagu saleeyey.
Shantii Golaha sare qaab qabiil ayey ku salaysanaayeen.

Aniga waxaan soo jeedin lahaa in nidaamka Federaalka oo aan u jeedno sida uu ufool-xunyahay, loogu danaystay,  inaan xoojino intii la sixi karona la saxo. In dalka laga hirgeliyo toddoba ilaa siddeed Dowlad-Goboleed, awoodqaybisigana lagu saleeyo maamul-Goboleedyadas. Weli waxaan soo jeedinayaa, tirakoob dhab ah ka dib, in muwaadin kasta oo Soomaali ah Warqadda Aqoonsiga loogu qoro qabiilka uu yahay iyo Dowlad Goboleedka uu kasoo jeedo. Waa hubaa in ay dhib badan tahay oo ay misna doodo laga keenayo.

Balse, waxaa iyana dhib badan oo taas ka daran in Qarankii gacanta Soomaalida ka baxo inta qabiilada Soomaaliyeed ukala dhuumanayaa dalal nacab u ah Qarankooda. Waayo, waxaan arkayaa in qabiilu yahay summadda Soomaalida baadi-sooca u ah. Warqada aqoonsiga ee qofka Soomaaliga ah waa qabiil, taasina waxay nagu qasbaysaa in qabiil si quman qoorta loo surta oon maalin shaar Qaran la qaadan, habeenkiina shaarka qabiilka.

Sideedaba aadanauhu cadaalad ma gaaro. Waxaasu lagu dadaali karaa in la helo nidaam caddaaladda loogu dhawaado. Haddaan siyaasiga iyo waxgaradka Soomaaliyeed guntiga u xiran samatabixinta Qarankeena, waa hubaal in dhaxal-wareega ubbadkeena cidkale u maqnayn. Waxaan kusoo koobayaa cadaalad daro wax ka daran ma jiraan. Ummad is-xaqirtaana horumar ma gaarto. Indheergaradka Soomaaliga ahi waxaa hortaal inuu laba kala doorto; dulinimo iyo gobanimo taam ah.
Gobanimada buuxdaa waxay u baahan tahay in qiimo badan lagu bixiyo. Waa mid qaaliya oo u baahan naf iyo maal in loo huro. Waxa ugu mudan in Qaran Gob ah loo huraana waa Aqoonta.